Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/www/sedotalk.com/modules/mod_jw_ucd/mod_jw_ucd.php on line 232
Home
Ciidammo ka socda Warfaafinta Al-shabaab oo saaka la wareegay Idaacadda Markabley ee Magaalada Baardheere
- Details
- Category: Uncategorised
- Published on Monday, 30 April 2012 11:12
- Written by Super User
- Hits: 34

Isniin, Abriil 30, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa saakay la wareegay idaacadda Markabley oo ahayd mid madaxbannaan oo muddo dheer ka howl-galaysay magaalada Baardheere ee gobbolka Gedo oo Al-shabaab ka taliso.
Arroornimnadii hore ee saakay iyadoo shaqaalaha Idaacaddu ay isku diyaariyeen jadwal maalmeedka idaacadda ayaa waxaa gudaha u galay ciidammo aad u fara badan oo ka socda xafiiska warfaainta ee Xarakada Al-shabaab kuwaasoo kj amray maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda inay soo wareejiyaan idaacadda ayna meesha isaga baxaan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa HOL u xaqiijiyay in ciidammo uu hor kacayo Barre Qooje oo ah gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere iyo masuulka dhanka warfaafinta u qaabilsan Al-shabaab ee gobolka Gedo Xasan Buuley inay si xoog ah saaka ku hor istaageen howlihii shaqo ee Idaacadda Markabley.
Warar kale oo ay dad goobjoogayaal ah HOL u xaqiijiyeen ayaa tibaaxaya in Ciidamada saaka la wareegay Idaacadda Markabley ee Baardheere ay u hanjabeen Maamulka iyo Shaqaalaha kadib markii ay ka dhaga adeergeen amar culus oo ay xoogagga Al-shabaab saaka kula wareegeen Idaacadda Markableey.
Maamulka Idaacadda oo aan la xariirnay ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo sababta keentay in Idaacadda Ilbaabada la isugu dhufto.
Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan xoogagga Al-shabaab oo ka hadashay la wareegidda Idaacadda Markabley iyo weliba waxa kusoo beegay xilligan, maadaama ay hore idaacaddu ugu ogolaadeen in ay ka howlgasho gobolka.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo maamulka Al-shabaab ay ilbaabada isugu dhuftaan idaacad ka mid ah laamaha madaxa bannaan ee warfaafinta, waxaana jirtay in ay hore sidan oo kale u xireen idaacado dhowr ah oo ka howlgeli jiray qeybo katirsan gobollada koonfureed ee ay gacanta ku hayaan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Kismaayo, Soomaaliya



